dahabshiil
Loading...

Deg Deg:Dawladda Soomaaliya Oo Go aan Kulul Ka Soo saartay Aqoonsiga Donald Trump Ee Quddus

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay go’aanka uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

 

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegya in dowladda Mareykanka ay si dhab ah uga fiirsato halista uu keeni karo go’aankan, waxaana warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya uu ahaa midkii ugu xumaa ee dowlad islaam ah ka qaadato tallaabadda Trump.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Dawlada 

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Sidoo kale, Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helista Qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka.

Ugu dambayntii, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab, waxa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

Loading...

DEG DEG DAAWO;-Faah Faahin Maxaa Kajira In Xaglo Toosiye La xidhay Iyo Xaaskiisa Oo Burco Lagu Xidhay..
- Dec 15, 2017
HALKAN RIIX OO KADAAWO XAALADA XAGLO
Sadexdii Hadhka U Diiday Cali khaliif Galaydh, Oo Muuse Biixi Furinta Hore Soo Dhigay,
- Dec 14, 2017
In Mudo ah Magaalada Hargeisa iyo maamulka Somaliland Waxaa Ku Meehanabaayay Dr cali khaliif ...
War Deg Deg Ah Daawo Video:Golaha Wasiirada Somalia Oo War Culus Soo saaray.
- Dec 14, 2017
Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka Laascaanood Oo Ku Tilmaamay Riyo Hadalka Cali khaliif iyo Muuse Biixy Ee Ah ‘Yoocadan Soo Xidhaynaa’
- Dec 14, 2017
Shacabweynana magaalada Laascaanood Ee caasimada Gobolka Sool ayaa Si Kulul uga hadlay hadal Shalay ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweynaha Soomaaliya OOo Hanjabaad Culus Udiray Maamulka Yuhuuda,
- Dec 14, 2017