dahabshiil
Loading...

Daawo Sawiro::Sacuudiga Oo Muqdisho Kasoo Dejisay Diyaarad Weyn Oo Milatari

Diyaarad sidday deeq dawo ah oo dowladda Sucuudigu ay ugu deeqday Soomaaliya ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho,taasi oo dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay si loogu adeego bulshada.

 

Waxaa sidoo kale diyaaraddaasi saarnaa qaar kamid ah dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo muddo 6 bilood ah lagu daweynayay dalka Sucuudiga kadib markii ay ku dhaawcmeen qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho muddo laga joogo dhowr bilood.

 

Maxamed Cabdalla Almaajid oo ka mid ahaa wafdigii ka socoday dalka Sucuudiga oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay deeqdaasi dawada ah.

“Anagoo tixraacayna amarkii uu bixiyaya Malik Salmaan,ee Sucuudiya iyo Naa’ibkiisa in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo gar gaarka ay u baahan yihiin,waxaa maanta timid diyaarad sida gar gaar dawo ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed,berina waxaa imaandoonta ilaa 3 diyaaradood oo gar gaar ah,”Xamdda Cabdalla.

Wasiir kuxigeenka Wasaardda gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka  Cilmi Cumar Ceynsanye ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan halkani ku soo dhaweynaynaa wafdi ka socda Maliku Salmaan alkhayriyah,Waxaan uga mahadcelinaynaa dowladda Sucuudiga,gar gaarkan ay ina soo gaarsiisay,waxaan leenahay ku soo dhawaada dalkiina labaad,sidoo kale waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay isaga xilsaareen gar gaarka caafimaad oo ay u fidiyeen dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo lagu soo daweeyey, sida Yuusuf Cabdi iyo Maxamed Yuusuf, oo 6b bilood ka ay ku dhaawacmeen qarax Muqdisho ka dhacay,” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gargaarka.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii 14kii Oct-waxaa sii kordhayay gurmad kaladuwan oo ka kala imaanaya wadamada Caalamka,Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gargaarka.

Loading...

War Deg Deg Ah Daawo Video:Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Golaha Wasiiraa,Akhriso Magacyadda,
- Dec 14, 2017
Hogaamiyaha Maamul Beeleedka somaliland muuse biixi cabdi ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirāa maamul beeleedka ...
Deg Deg:: Fannaanad Qaab Anshax-Xumo Ah U Cuntay Moos Oo Xabsi Lagu Xukumay,
- Dec 14, 2017
Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa laba sanno oo xabsi ah ku xukuntay fannaanad ...
Deg Deg:Alshabab Oo War Yaab Leh Ka Soo Saartay Qaraxii Saaka Ee Muqdisho,
- Dec 14, 2017
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Qaraxa Ismiidaaminta ee saakay aroortii ka dhacay Barxada General ...
Deg Deg::Cali khaliif Oo Saaka Abaabulaaya Fidno Ka Dhan Ah Buuhoodle,
- Dec 14, 2017
Waxaa Saaka Magaalada Buuhoodle Abaabul Kawada Koox yar Oo  Kamid Ah Hadhaagii Cali khaliif ...
War Deg Deg Ah:Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho,
- Dec 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ...