dahabshiil
Loading...

Donald Trump Oo Maanta Ka Hadli Doona Go’aankiisa Qudus

Iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wado qorshe uu safaaradiisa Telaviv ugu rarayo Magaalada Barakaysan ee Qudus ayaa waxaa sii kordhaya qeylo dhaanta dunida Islaamku ay arrintaasi ka muujinayso.

 

War ka soo baxay Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in madaxweyne Donald Trump uu ka hadli doono Arbacada maanta ah go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus iyada oo ay soo wajaheyso dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheyso.

 

Haweeneyda Afhayeenka ka ah Aqalka cad ee Mareykanaka ayaa warbaahinta u sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

 

Qaar kamid ah Tiro hoggaamiyeyaasha Dalalka Carabta ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digay Donald Trump in uu ku dhaqaaqo go’aankaasi oo ay u arkayaan in uu yahay mid qaldan o aan Washington ka fiirsanaynin.

 

Amiirka Boqrtooyada Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah o la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintaan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

 

Madaxweyne Trump ayaa markii uu kujiray ololihiisa doorashada waxaa uu balanqaaday arrimo ay kamid tahay talaabadan oo uu mareykanka u qaadayo aqoonsiga Israel ,balse waxaa muuqataa in ay ka dhalankarto caro ka timaada guud ahaan caalamka Islaamka.

Loading...

Deg Deg::Al-Shabaab oo xukun goyn ah ka fulisay degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose
- Dec 13, 2017
Fagaare ku yaalla degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Sh/hoose waxaa shalay gelinkii dambe ka ...
Xogo ku saabsan Shirka looga hadlayo Qudus uu Maanta ka qeyb galayo Madaxweyne Farmaajo
- Dec 13, 2017
Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee ...
Daawo Video:Caruurtii Ku Agoomowday Colaadii Koonfurta Sool Oo kalabaydh Looga Dhisaayo Hoy,
- Dec 12, 2017
Qaar kamid ah Culimada Gobolka Sool Ayaa Soo Bandhigay Muqaalka Caruurtii ku Agoomowday Colaadihii ...
Dhurwaagii Yidhi’Maxay Ku Nuugtaa.Maxayse Ka Nuugtaa?
- Dec 12, 2017
Dhurwaaga ama waraabaha curufkiisa dadka sida dhabta ah u yaqaan, waxay sheegaan in dhurwaaga ...
DAAWO:-Faysal Oo Weerar Ku qaday Cirro Aniga Waa Dhicilahaa Lakiinse Waxay Ku wacneyd Cabdiraxmaan Ciro
- Dec 12, 2017
HALKAN RIIX OO DAAWO FAYSAL