dahabshiil
Loading...

Mooshinkii laga waday Madaxweyne Farmaajo oo Fashilmay

Iyadoo maalmahaan la isla dhexmarayay inuu socdo mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, kaasi oo ay dabada ka riixayeen Qaswadayaal iyo Danleey Siyaasadeed oo Abidkood ku macaashi jiray Xillliga Khilaafaadka ayaa waxaa Mooshinkaas soo wajahay Fashil aad u daran.

 

Horboodayaasha Mooshinka oo ay kamid ahaayeen Cumar Cabdirashiiid Raisal Wasaare Hore iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa shakhsiyaadkii iibsatay Badda Soomaaliya murankane galiyay ayaa hotelada Muqdisho ku shukaaminyay Xildhibaanada baarlamaanka kuwaas oo ah ka codsanayeen ineey ineey mooshinka wax ka saxiixaan.

 

Nasiib wanaag Xildhibaan walba oo ay laaluush la damcaan ayaa iska diiday soo jeedinta qaswadayaashani, waxaana ay dhaafi waayeen xildhibaanada ay laaluushka ku qanciyeen 17 xildhibaan oo ka ogolaatay ineey mooshinkaas saxiixaan.

 

Arinta kale ee fashilka ku keentay mooshinka ayaa ah in shakhsiyaad ganacsato ah oo qeyb ka ahaa mooshinka ay u baqeen shirkado iyo kambaniyo ganacsi oo ay leeyihiin kuwaas oo ay dowladda ugu hanjabtay hadeysan joojin qaska ay dalka kawadaan in lagala laaban doono shatiyada ay ku shaqeeyaan.

 

Sikastaba Mooshinleydii iyo qolyihii damacsanaa ineey khalkhal siyaasadeed dalka ka abuuraan ayaa hadda wajahaya waji gabax iyo fadeexooyin ay kala kulmayaan hogaanka iyo shacabka soomaaliyeed oo isku duubnidooda ay sahashay in ay fashilmaan dabin daabyooyin uu shisheeyuhu dalka la damacsanaa.

 

Goordhaw waxaan baahin doonaa ujeedada ugu weyn ee laga lahaa mooshinkaan fashilmay ee la rabay in qal qal lagu galiyo dowlada dhexe ee Somalia waxaana ujeedoyinkaasi ka mid ahaa in Dowlada Somalia ay ka laabato shaqo joojin ay ku samaysay 17 shirkad oo ay lahaayeen Siyaasiyin ka tirsanaa Dowladii hore iyo Xisbiga Daljir.

Loading...

War Cusub oo laga helay Qalbi Dhagax, Xaaladiisa iyo Shuruudo Itoobiya Ku Xidhay
- Dec 15, 2017
Warar aan ka helnay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in C/kariin ...
XOG Laga Helay Xadhiga Xaglo Toosiye. Iyo Talada Cali khaliif Galaydh.
- Dec 15, 2017
Shabakada Caalamiga ah ee Khaatumo news waxaa ay Dhabo gal Siyaasadeed iyo Xog Ururin ...
Deg Deg:Maraykanka Oo Madaxa Isku Galiyay Iiraan & Sacuudiga
- Dec 15, 2017
Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobe Nikki Haley,ayaa soo bandhigtay wax ay sheegtay ...
War Deg Deg Ah:Daawo Video:Dagaal Dhexmaray Muuse Biixi iyo Xaglo Toosiye, iyo xaglo Xidhan.
- Dec 15, 2017
Sidaanu Hore Idiin Kusoo Gudbinay waxaa Magaalada Burco lagu Xidhay Laba baabur oo ay ...
DEG DEG DAAWO;-Faah Faahin Maxaa Kajira In Xaglo Toosiye La xidhay Iyo Xaaskiisa Oo Burco Lagu Xidhay..
- Dec 15, 2017
HALKAN RIIX OO KADAAWO XAALADA XAGLO