dahabshiil
Loading...

Dhambaal Ku Socda Gabdhaha Dhulbahante Gobolka Sool

Salaamu Calaykum Dhamaan Umada soomaaliyeed Meelkasta ood Joogtaan Marka Hore.

Hadaan usoo Dadaago Dhambaalkan waxaa Uu yahay Mid Dani tidhi Soo Dir kadib markii Aan Arkay wax aan Liqi waayay Oo Baraha Bulshada ku soo Badanaaya.

 

Ninka Dhambaalkan Qoray Waa cabdifatax Muse Axmed Kamid ah Shaqaalaha Khaatumonews Ee Buuhoodle.

Waxaa laga yaabaa dad badani markii ay maqlaan magaca darwiish iyo martabada Ay Dadka sool sanaag cayn ku Lahaayen taariikhda Soomaaliyeed, baalka dahabka ah ee lagu qoray taariikhdii Daraawiishta ee uu hogaanku u hayey Sayidku, iyo xushmada ay Sayidka u hayaan dhamaan Soomaalidu Bari iyo Galbeed, Koonfur iyo Waqooyi inay isweydiiyaan: “muxuu Sayid Maxamed ku mutaystay xusuuustaa karaamaysan ee aan cid kale la wadaagin?” Haddaba suuragal ma aha in qormo qudh ah lagu soo koobo dagaal 21 sanno soconayey, haseyeeshee waxaan isku dayeynaa in aan guudmaro dhiiranaantii, geesinimadii iyo mintidkii gobonimodoonka Daraawiishta uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwaa oo hadh iyo hoyba u diiday gumaysiga dhinac walbana ka wareemay.iyo Sida sahlan ee Dhashoodii maanta Gunimada U Kala Horoorsanayaan.

 

Dulucda Qoraalkan wuxuu Ku yimid markii aan arkay hablaha Reer khaatumo Qeyb kamid ah Gaar ahaan kuwa Gobolka sool Oo isku Soo sawiraaya Astaamaha xisbiyada Maamul Beeleedka Isaaq sida Kulmiye.UCID iyo Wadani.

 

Hablaha waxaan weydiinaya Wali Ma aragtay Gabadh Reer Hargeisa,Burco. Ama Berbera ah oo Isku dhajinasa Calanka Soomaaliya Iskaba-Daa Calan Khaatumo leedahay?.Jawaabta waxaan Karabaa hablaha Sool.

 

Su Aasha kale Aan weydiinaayo hablaha Isku soo sawiray Iyagoo madaxa ama Laabta ku haya Astaamaha Xisbiyada SNM waxa weyee.

 

”Gabadha u Dhalay Darwiish-kuyeey Iyadoo Afarta Koone Magalaada laascaanood ay kaa xigaan maleeshiyaad Isaaq ah Oo Xoog kugu haysta Say Niyadu ku Siisay Qaado calankooda Kuwii Xooga Kugu haystay.Mise Maba Ogid in Xoog lagugu haysto Oo waxaad u aragta Inaad Xoriyad haysato Marhadaad Aqalkiina Si nabada Bariiska Uga Cunaso!? iiga Jawaab tan.Adigaa ogaan Doona in Aad Xor tahay iyo in Wiilyar Ku haystee.Dusha waxad Ku xidhatay Calamada maamulka isaaq.Bal ku Xidho calanka Soomaaliya Ee Awoowayaasha usoo Dhinten Ama Ka khaatumo Dabadeed Shaaraca la Mar jawaabta aad hesho.

 

Bilaa Caleyk Sharaftu Maaha Wax sahlan Waxaan Kula Dardaarmaya hablaha Inoo ilaalsha sharafta oo Dhabankiina iyo Muqiina Ka ilaalsha Maryaha soomaali-diidka Kugu haysta Qoriga.

 

Dhawaan waxaa Deegaanka Ka Bilaaban Doona Gaar Ahaan Gobolka Sool oo SNM haysato Olole Ku sheega Xisbiyada Isaaq ee U ordaaya madaxtinimada maamulka SNM.waxaan Odhanlaha Hablaha Nin Xoog kugu haysta Ha Ruxin calamaantiisa hadiise Aad raali ku tahay In aad Uu Noqoto Dhoobi waa Adi iyo Aragtida Kooban..

 

Hablaha Khaatumo Sharaf Iyo karaamo Ayay Leeyihiin Siiba Kuwa Gobolka Sool laakiinse Mudooyinkan waxaad mooda in Dufaanta Qabiilaysan ee Calooshood u shaqaystayaasha U shaqeeya Guumaysiga Ay Ka soo saartay Aqaladooda.

 

Hadaan soo uruuriyo micnaha erayga gummaysi: Waa gar-daro, waa gunimo, waa gablan, waa geeri. Haddaan si kale u dhigo waa murug, waa Cabudh, waa Caloolyow, waa caabuq, waa cimrigaa haku furto, Gumaysi waa:Dil, waa Dulmi, waa Daan-daansi, waa boog aan la dhayin, waa Dibad wareeg,waa murug ,waa caloolxumo, Intaasna Reer Sool Wey arkeen.

 

Shaki waxaan ku jirin, dadka la takooray in ay ahaayeen dad tiro ahaan ka tirayar tolkooda kale, markaa loo cudud-sheegtay lana-baday hoog iyo hiirtaanyo. Cadayn waxaa inoo ah tolalka Soomaaliga ah ee jira manta, waxay isku qaddariyaan; qiimeeyaan ama ku kala sad-bursadaan waa “Laandheeronimo”

 

Waxaan ku soo Xidhayaa Qoraalka Sharafteena iyo Sumcadeena iyo Soomaalinimadeena aan Dhawrno,Aynu Ka adkaano sawirka iyo Hadalka Xun ee inaga Baxaaya Ee Dhirbaaxada ku Noqonaaya Sharaftada.

 

Wixii Talo ah Ama XOG Dheeraad ah Waad Ila wadaagi kartaan,

Tell:+252-63-4604001

Buuhoodle Khaatumnews.com

Loading...

Deg Deg Dhagayso:Dawladda Soomaaliya Oo Magacii Ka Badashay Isgoyska Zoobe,Maxaase Loo Bixiyay.
- Oct 19, 2017
Muqdisho}Khaatumonews}Dawladda Soomaaliya Ayaa Magacii Ka Badashay Isgoyskii Zoobe Ee Dhawaan Qaraxa Lagu Hoobtay ka ...
Deg Deg Daawo sawiro:Fool Xumo Ay La Kulmen Dhaawacyadii Dawladda Qatar Geesay Suudaan,
- Oct 18, 2017
Dhaawacyadii Dowlada Qatar ay gaysay Sudaan ayaa xaalkooda laga soo deyrinayaa caafimaad. Mutamayiz Hosbital Lagu ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweyne Farmaajo Gudaha U Galay Banaanbaxayaal Kumanaan ah.
- Oct 18, 2017
Madaxweynaha jamuuriyadda Soomaaliya Maxamed cabdilaahi Farmaajo Ayaa Kumanaan Banaanbaxayaal ah oo Isaga kala yimid ...
Deg Deg Daaow Video:Wariyaha Al-jaziira ee Somalia Oo Dhacdo Uu Layaabay Ka Waramay Qaraxii Zoobe,
- Oct 18, 2017
Maxamed cadow Oo Ah Wariyaha Soomaaliya u Jooga Warbaahinta Caalamiga ah ee Al-jaziira ayaa ...
War Deg Deg Ah:Qarax 16- Tan Ah Oo Hada La Qabtay.
- Oct 18, 2017
Korneel Cabaas Ibraahim Gureey Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ...