dahabshiil
Loading...

Deg Deg::Madaxweyne Farmaajo Oo Si yaab leh Uga jawaabay Is-Xulufaysiga Maamulada

Muqdisho, Oktoobar 11, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.so

Loading...

War Deg Deg Ah: 65 Soomaali ah oo Itoobiya Lagu Dilay,
- Dec 16, 2017
Wararka naga soo gaaraayo deegaano ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ...
Maraykanka :Ma doonayno dagaalka Waqooyiga kuuriya
- Dec 16, 2017
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa sheegay in loo baahan yahay in ...
Sir Culus:Dagaalyahan Al shabaab doonayay inuu is qarxiyo oo Xog badan bixiyay
- Dec 16, 2017
Warbaahinta Dowlada ayaa waxey heshay Akhbaar ay yartahay in lahelo, waa xaqiiqo dhab ah, ...
War Deg Deg Ah::Al-Shabaab oo sheegay in ay dagaal ku dileen wiil uu dhalay Roobow
- Dec 15, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal degaan ka tirsan Gobolka Bakool ku ...
War Deg Deg Ah:::Ganacsade Hada Laascaanood Lagu Dilay iyo Mid kale Oo Dhaawac ah.
- Dec 15, 2017
Waxaa Hada Magaalada laascaanood caasimada maamulka Khaatumo Islamarkaana Gacanta ugu jirta Cadowga lagu Dilay ...