dahabshiil
Loading...

Deg Deg:Maamuladii Kismaayo Ku Shiraayay Oo Xamar looga yeedhay iyo Xiisad Hor Leh Oo Taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ee ku shirsanaa magaaladaasi ay si deg deg ah u imaanayaan magaalada Muqdisho.

 

Shanta Madaxweyne goboleed ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo gabo gabeeyay shirkii ay lahaayeen, waxaana la filayaa saacadaha soo aadan in shirka laga soo saaro War Murtoyeed ay isku raacsan yihiin.

 

Ilo lku dhaw dhaw Madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu lasoo hadlay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada kana codsaday in Muqdidsho deg deg u yimaadaan si uu ula hadlo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadli doona Madaxda maamul goboleedyada oo hada u muuqda kuwa dantooda isku baheestay shirka ay ku yeesheen magaalada Kismaayo iyo go;aanada ay soo saareen .

 

Sida aan Wararka ku helany Madaxda shanta Maamul goboleed ee Kismaayo ku sugan ayaa wali ka arinsanaya sida ay ka yeelanayaan baaqa Madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadan in ay yimaadaan Muqdisho lana kulmaan.

 

Qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada ayaa wararku sheegayaan in ay ka biyo diidsan yihiin in ay tagaan magaalada Muqdisho, waxa ayna ka baqayaan in lakala fur furo oo go’aanada ay soo saareen noqdaan kuwa fashilmay.

 

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo u muuqda mid doonaya in uu dhax dhaxaadiyo labada dhinac ayaa ka codsaday Madaxda diidan in ay tagaan Muqdisho , waxa uuna wadaa dadaal uu ku doonayo sidii dhamaan madaxda u tagi lahaayeen Muqdisho.

 

War Murtiyeedka la filayo in uu kasoo baxao Shirka Kismaayo ayaa waxa ku jira qodobo aysan dowlada Federaalka Soomaaliya ku qanacsaneyn, lamana oga in dowlada u aqbali doonto rabitaanka Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Loading...

Deg Deg Daawo Video:War Culus Oo Ka Soo Yeedhay Degmada widhwidh.Ha Dhayalsan,
- Dec 13, 2017
Haybe Cali Xasan {Haybe Cali Guray} Oo kamid ah Odayaasha Degmada widhwidh Ee Gobolka ...
Daawo sawiro::Cali Khaliif Oo Garaad ahaan uga qeyb Galay Xaflada Muuse Biixi.
- Dec 13, 2017
Maalinba maalinta ka Danbeeysa Waxaa Soo Baxaaya Bahdilaada iyo Goob Xun Ka Soo Muuqashada ...
Daawo sawiro:Madaxweyne Ku Xigeenka Khaatumo Oo Madaxtooyadda Ku Soo Dhaweeyay Dhalinyaro.
- Dec 13, 2017
Madaxweyne Ku Xigeenka dawlada Khaatumo Bashiir Cismaan Cabdi xaashi  Ayaa Madaxtooyada Dawlada Khaatumo ee buuhoodle ...
Muuse Biixi Oo Saaka Beelaha Jeegaantu Caleema Saaranayaan,
- Dec 13, 2017
Xarunta madaxtooyadda Maamul Beeleedka Somaliland waxaa saakay loogu diyaar garoobayaa caleemo saarka Hogjoogaha Somaliland ...
Deg Deg::Al-Shabaab oo xukun goyn ah ka fulisay degaan ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose
- Dec 13, 2017
Fagaare ku yaalla degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Sh/hoose waxaa shalay gelinkii dambe ka ...