dahabshiil
Loading...

Waa kuma ninka u kala dillaalay Maamul Goboleedyada iyo Imaaraatka?

Thomas B. Coleman waa dillaalka u kala dab-qaaday Madaxweynayaasha Puntland Jubband Hirshabelle ,Koobfurgalbeed ,Somaliland iyo Galmudug . si loo carqaladeeyo siyaasadda arrimaha dibedda ee DFS, waana ninkii usoo dhammeeyey Maamul goboleedada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed lacag dhan 15 Milayn oo Doolar in ay qaataan bil walba muddo sanad ah, si ay u fuliyaan siyaasadda Imaaraatka Carabta iyo Ajandayaasha ay ka leedahay Soomaaliya.

 

Thoman B. Coleman waa Mareekan asal ahaan kasoo jeeda Kuuriyada Koonfureed. Wuxuu kamid ahaa Ciidamada Badda Mareekanka, halkaas oo uu muddo kasoo shaqeeyey, wuxuu ku guulaystay hawlgallo ay kasameeyeen Ciidamada Badda Mareekanka waddamada Honduras iyo Nicaragua oo dhaca Koonfurta Mareekanka.

 

Kadib wuxuu ku biiray FBI (Waaxda Denbi Baadhista Mareekanka) wuxuuna ka shaqeyn jiray Xarunta ugu weyn FBI ee gobolka Virginia. Waxaa loo tababaray diblomaasiyada iyo xidhiidhka Caalamiga ah, si uu ugu shaqeeyo sirdoonka Mareekanka, wuxuu inbadan kasoo shaqeeyey waddamada Khaliijka iyo Ciraaq.

 

Dhammaadkii siddeetamaadkii waxay isguursadeen Mayada Alkaisi oo u dhalatay waddanka Ciraaq, waxayna u dhashay 4 gabdhood, wuxuu kamid ahaa saraakiil sirdoon mareekan ah oo ciraaq ka hawl geli jirtay.

 

Sidoo kale wuxuu tababaro u sameeyey ciidamada badda ee Sucuudiga sanaddadii 1991, isagoo markii danbe waxbadan ka shaqeeyey shirkad ay leeyihiin Khaliijiyaan maal qabeeno ah.

 

Madaxweynaha Liibiya Mucamar Alqadafi ayuu la kulmay dhawr mar, isagoo kala shaqeey jiray khalkhalgelin waddanka Chad iyo Suudaan, wuxuu tababaro u sameeyey ciidamada Badda Liibiya.

 

Sanadkii 1994 ayuu usoo wareegay Magaalada Abudhabi ee xarunta Imaaraatka Carabta isaga iyo Qoyskiisa, wuxuu ahaa lataliye la shaqeeyn jiray shirkado Imaaraat ah.

 

Hadda waa madaxa maamulka shirkadda Levant Suez Consulting Corp. oo ah shirkad ka shaqeysa latalinta madaxda dowladaha iyo ganacsadayaasha waaweyn heshiisyada iyo wada xaajoodka ay galayaan, sidoo kale waxay kala dillaashaa hantiyada waaweyn ee dalalka iyo ganacsadayaasha waaweyn ay kala goosanayaan.

 

Bilowgii qalaalasaha Khaliijka, ayaa madax ka socota Shirkadda Levant Suez Consulting Corp. waxay yimaadeen Muqdisho, iyadoo Safaaradda Imaaraatku ay waddanka soo gelisay, waxay la shireen dilaalo ka socday madaxda maamul goboleedada.

 

Waxaa xusid mudan in shirkadda Levant Suez Consulting Corp. fadhigeedu yahay magaalada Abudhabi ee Imaaraatka , balse ay ku leedahay laamo kala duwan khaliijka oo dhan.

 

Ugu danbeyntii waxaa soo baxday in shirkaddan ay ku casuntay Madaxweynaha Galmudug Xaaf Imaaraatka, si loo dhameeyo lacag ay ku heshiiyeen inay siin doonaan Galmudug iyo Maamul goboleedada kale ee la safta Imaaraatka si ay u go’doomiso DFS waddanka Qatar oo ay uga mid noqoto Xulufada ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraatka balse ay mowqif cad ka qaadatay Soomaaliya in qalalaasaha Khaliijka ay ka tahay dhexdhexaad.

 

Waxaa jirta iyadana warar sheegaya in Puntland iyo Somaliland ay iyana qaateen lacago, waxaa dhammeeyey oo ka shaqeeyey arintaas Raysalwasaarihii hore Cumar cabdirashiid oo isagu u ah lataliye Dowladda Imaaraatka ee Geeska Afrika.

 

Warqad kaso baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayuu ku codsaday in ay usoo dedejiyaan lacagtii ay u ballan qaadeen Imaaraatka oo ay shirkaddani dilaal ka ahayd.

 

Taasi ayaa muujinaysa qadhaabashadii lasheegayey oo noqotay mid cad, waxaa jira tuhuno intaas kabadan oo muujinaya inay jiraan hagardaamooyin iyo dabadhilifnimo xooggan oo ay wadaan madaxda maamul goboleedadu iyagoo madaxbannaanidii iyo sharaftii dalkaba ku ciyaaray.

Loading...

Deg Deg Daawo Video:Odayaashi Bahararsame Oo Xabsiga Lagu Guray iyo Shir Ay Beeshaasi laascaanood Ku Qabatay.
- Dec 15, 2017
Maamulka SNM Ee Gobolka Sool Ayaa Xabsiga Magaalada laascaanood Ku Guray odayaashii iyo dhalinyaradii ...
Deg Deg Daawo Video:;Itoobiya Oo Shaacisay Saamigay Ku Leedahay Dhaqaalaha Dekeda Berbera,
- Dec 15, 2017
Wasiirka Dowladda Federaalka u Itoobiya u qaabilsan dhinaca Gaadiidka mudane Axmed shire ayaa ka ...
Deg Deg Daawo Video:Hogaanka Xisbullah Ku Baaqay In Jihaad Lagu Qaado Qudus,
- Dec 15, 2017
Hogaamiyaha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah ayaa ku dhaartay in uu baabi’in ...
Deg Deg Dhagayso::Madaxweynaha Koonfur galbeed wasiiro Magacaabay
- Dec 15, 2017
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo ...
War Cusub oo laga helay Qalbi Dhagax, Xaaladiisa iyo Shuruudo Itoobiya Ku Xidhay
- Dec 15, 2017
Warar aan ka helnay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in C/kariin ...