dahabshiil
Loading...

War Deg Deg:20 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

Golweyn{khaatumonews}Ugu yaraan labaatan ruux oo haween u badan ayaa ku naf weysay qarax miino oo gaari caasi ah ku haleelay degaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose galabnimadii maanta.

Sida ay sheegayaan wararka na soo gaaraya Gaarigan caasiga ah ayaa ka yimid degaanka Buulo mareer isagoo ku sii jeeday magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Dadka dhintay oo ahaa dhamaan dadkii la socday gaariga marka laga reebo darawalka ayaa u badnaa ganacsato maallin kasta oo khamiis ah ganacsi xoogan ka sameeya suuqa degaanka Buulo Mareer kuwaasoo ka kala yimaada degaano ka tirsan degmooyinka gobolka Sh/hoose.

Dadka qaarkood oo dhaawac ahaa ayaa la sheegay iney degaanka Golweyn ugu dhinteen dhiig-bax iyo gurmad la’aan, ka dib markii la waayey gaadiidsi deg deg ah u gaarsiiya goobaha Caafimaadka.

Qaraxan oo ka dhashay miino wadada lagu aasay oo gaariga caasiga ah uu dulmaray ayaa sidoo kale burbur aad u xoogan u geystay gaariga, kaasoo qeybo ka mid ah gubtay sida dad halkaas ku sugan ay ku soo waramayaan

Loading...

War Deg Deg Ah Daawo Video:Golaha Wasiirada Somalia Oo War Culus Soo saaray.
- Dec 14, 2017
Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka Laascaanood Oo Ku Tilmaamay Riyo Hadalka Cali khaliif iyo Muuse Biixy Ee Ah ‘Yoocadan Soo Xidhaynaa’
- Dec 14, 2017
Shacabweynana magaalada Laascaanood Ee caasimada Gobolka Sool ayaa Si Kulul uga hadlay hadal Shalay ...
Deg Deg Daawo Video:Madaxweynaha Soomaaliya OOo Hanjabaad Culus Udiray Maamulka Yuhuuda,
- Dec 14, 2017

War Deg Deg Ah Daawo Video:Muuse Biixi Oo Ku Dhawaaqay Golaha Wasiiraa,Akhriso Magacyadda,
- Dec 14, 2017
Hogaamiyaha Maamul Beeleedka somaliland muuse biixi cabdi ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirāa maamul beeleedka ...
Deg Deg:: Fannaanad Qaab Anshax-Xumo Ah U Cuntay Moos Oo Xabsi Lagu Xukumay,
- Dec 14, 2017
Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa laba sanno oo xabsi ah ku xukuntay fannaanad ...