dahabshiil

DEG DEG VIDEO;- Abwaan Reer KHaatumo oo Gabay Culus Hada Dabka Ka Soo Qaaday (DAAWO)

Waxaan Halkan ku Soo Bandhigaynaa Gabay Kooban oo Waddani ah oo Dareen Xambaarsan oo Kawarayama Arrimo Badan Gabaygan ayaa Waxaa Lagu Magacaaba HAL IRMAAN Waxaana Ka Mid ah Midhihiisa Sidan Hoos Ku Qoran Waxaan Soo Gudbinaya oo Soo Saaray Gabaygan Igarre Yaasiin Xaaji,

HALKAN KADAAWO MUUQAALKA

Hal irmaan haleelada murkaha laga hif siinaayo,
Saca haysha dheer iyo dibiga higilka weyn yeeshay,
Adhigoo hareeraha guryaha haqabla daaqaaya,
Caanaha hadhkii aad dhantoo haanta laga buuxsho,
Inkastuu hallaw dhimay ku dhacay hodankii maalkeenna,
Misna heelka waa lagu hayaa hirashadoodiiye,
Hilibkii dammaankaa guryaha laguba haystaaye,
Hillinkii carbeed baa ku furan loo halwadiyaaye.
Dhalinyarada hurudaan arkayn kuna hiloobayne,
Horor caydha anigoo ah baan dibad hayaamaaye,
Hirarkii baddaydaan ka qaday hodantidoodiiye,
Webigoo haraacaa haddana haqay dhallaankiiye,
Beeraha hadhkoodaan u aal hoogay iyo ciile,
Dunidoo i hiiftaan barayada gacanta hoorshaaye,
Cirka oo hillaacaan harraad hogortamaayaaye,
iyo Qaar Kale oo Taabanaya Dareenka Wadaniyadeed Daawsho Haboon Muuqaalka