dahabshiil

Trump oo laamaha sirdoonka ku eedeeyay “sir dusin oo been ah

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa laamaha sirdoonka ku eedeeyay dusinta eed ah in Ruushka ay asiga waxyaabo kala hadleen.

 
“Taasi waxay ahayd midii Naasigii Jarmalka uu sameeyay,” ayuu yiri.

 
Wuxuu ka hadlayay eedo aan weli la cadeyn oo ah in kooxdiisa doorashada u qaabilsaneyd Ruushka uu ku dhexdhuuntay.

 

 

 

Eeda waxaa kaloo ay ku saabsan tahay in la haayo muuqaallo fadeexad ah oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah.
Laamaha sirta ee Mareykanka ayaa arrintaasi u qaatay si dhab ah, waxayna isbuucii tagay ku wargeliyeen Trump iyo madaxweynaha xilka baneynaaya ee Obama.

 
Donald Trump ayaa sidoo kale xilligaas sheegay inuu markii ugu horeysay aqbalay in Ruushka uu u dhacay qalabka doorashada Mareykanka, arrintaasna ay dhacday xilligii ololaha doorashada.

 
Sidoo kale shirkaasi jaraa’id ee ugu horeeyay Trump, wuxuu ku xaqiijiyay in ganacsigiisa uu ku wareejinayo labadiisa wiil.

 
Shirka jaraa’id waxaa loo qabtay in Trump uu kaga hadlo ganacsigiisa, balse waxaa hareeyay fadeexadda laga faafiyay.

 

 

Trump ayaa sheegay in macluumaadka “ay ahayd inaanan weligood la qorin ama aan weligood la shaacin”.
“Waa war been ah, waa waxba kama jiraan, ma aysan dhicin,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray, “dad xanuunsan ayaa waxaasi dhoodhoobay. waa ceeb iska cad”.

 
Asigoo ka jawaabayay, afhayeenka Aqalka Cad, Josh Earnest, wuxuu sheegay “Waa marin habaabinta qofkastaa, oo heer kastaa ah, in su’aal la geliyo daacadnimada iyo ujeedooyiinka geesiyada ka mid ka ah laamaha sirdoonka dalka”.

 
Trump ayaa sidoo kale weeraray warbaahin sida CNN oo uu ku tilmaamay “meel qashin” wuxuuna ku eedeeyay “inay warar ay iska sameysanayaan”.

 
Wuxuu diiday inuu su’aal ka dhageysto weriyaha CNN ee ku sugnaa shirka jaraa’id. Balse CNN waxay difaacday daabacaada wararka eeda ee Trump ku saabsanaa

Deg Deg Daawo Video:Hooyada Dhashay Cali Khaliif Oo Ka Hadashay Arrimo Badan?
- Mar 24, 2017
Buuhoodle{khaatumonews}waxaanu halkan idiin ku soo bandhigayna muqaal waraysi ay bixisay hooyada dhashay madaxweynaha dalka ...
WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY GUDIDA FULINTA IYO GUDIDA SARE (BOARD) EE KHAATUMO DIASPORA ORGANISATION (KDO
- Mar 24, 2017
KU: Dhammaan Bulsha weynta Reer Khaatumo   OG: Xukumada Khaatumo State of Somalia   Taariikhda: 23 March 2017   Markii ...
Deg Deg::200 Oo Ruux Ku Dhintay Doon Ku Dagtay Liibiya
- Mar 24, 2017
Dad Gaadhaya 200 oo muhaaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen ...
Deg Deg:Xildhibaan Ka Tirsan Dawlada Oo Weerar Lagu Qaaday
- Mar 24, 2017
Muqdisho{khaatumonews)Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Weerar bambaanooyin loo adeegsaday ay ku qaadeen ...
Deg Deg Daawo Video:Beeshii Ugu Horeesay Ee Ka Hortimid Dawlada Farmaajo?
- Mar 24, 2017
Muqdisho{khaatumonews]waxaa magaalada muqdisho caasimada soomaliya shir isugu yimid beesha ciise mudolood taaso sheegtay in ...