dahabshiil

Labo Musharax Midkood oo laga yaabo in uu kusoo baxo Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1-aad

Waxaa goordhaw la filayaa in xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho si toos ah uga bilaabato doorashada Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka 10-aad ee Federaalkka Soomaaliya .

 

Doorashada maanta ayaa ah mid aad u adag , waxaana Musharaxiinta tartameysa qaarkood wata isbaheysiyo iyo siyaasiyiin saameyn badan ku leh Xuldhibaanada Baarlamaanka ee la filayo in ay maanta wax doortaan.

 

Labo kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn loo saadaalinayaa in midkood kusoo baxo Doorashada, waxaana labadan Musharax oo kasoo jeeda Beesha Reer Awxasan ay yihiin kuwa saameyntooda muuqato.1-Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir: Waxaa xildhibaan si weyn looga dhax bartay Siyaasada afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaana Musharaxan taageero badan ka helayaa Kooxda Damul Jadiid oo la rumueesan yahay in Baarlamaanka cusub ay saameyn badan ku leeyihiin.

 

Faarax ayaa sidoo kale la sheegayaa in maanta tijaabo u noqon doono Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la ogaan doono tirada codadka ay ku dhax leeyihiin Baarlamaanka cusub.

 

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan hadii doorashada maanta si fudud ugu guuleesto Faarax ay muuqaneyso in Madaxweyne Xasan Sheekh isna sahal kusoo laaban doono, hadiisa Faaraxa maanta xaalka ku xumaado ayaa iyana culees uu sioo wajihi karaa Madaxweyne Xasan.

 

Doorashada maanta dhaceysa ayaa ah mid ka adag tii shalay lagu dooranayay Gudoomiyaha, waxaana Xildhibaano badan ay kasoo horjeedaan Siyaasada Faaraxa C/Qaadir iyo kooxda uu katirsan yahay ee Damul Jadiid halka kuwa kalana ay taageersan yihiin.Xildhibaan C/Wali Sheekh Muudey: Xildhibaankan ayaa horey usoo noqday Gudoomiye kuxigeenkii 1-aad ee Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya, hada waa Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya ee waqtigeeda uu dhamaaday.

 

Mr Muudey ayaa la sheegaa in uu taageero badan ka heesto Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Baarlamaanka ku dhax leh Xildhibaano badan oo siyaasadiisa u dhago nugul, waxaana Shariif Xasan uu waqti badan ku bixinaya sidii Muudey kusoo bixi lahaa .

 

Shariif Xasan ayaa ka careesan guul daradii shalay soo gaartay Musharaxii uu taageerayay ee Xildhibaan C/rashiid Xidig, waxaana laga yabaa in Xildhibaanada taageersan Shariifka la gadiyaan Kooxda kasoo horjeeda ee taageersan Faarax C/Qaadir.

 

Xildhibaanada Beesha Daarood ayaa iyana la sheegayaa in laga yaabo in ay codka ugu shubaan Xildhibaan C/Wali Muudey maadaama ay si weyn uga soo horjeedaan Siyaasada Faaraxa Sheekh C/Qaadir oo saameyn badan ku dhax leh Siyaasada dalka lagu hayo.

 

Doorashada maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa si weyn dhagta loogu taagayaa natiijada kasoo bixi doonta, waxaana doorashadan maanta ay noqon doontaa mid natiijadeeda siyaabo kala duwan loo fasiran doono.

Daawo Video”Maxaad Ka Taqaan Madaxweynihii Carbeed Ee Dadkiisa Ka Mamnuucay Soonka!!
- Mar 22, 2017
Waxaanu caawa halkan idiin ku soo bandhigana  muqaalka barnaamijka xogta dahsoon oo lagu soo ...
Deg Deg Daawo Video:Shacabka Khaatumo Ka Hadlay Golaha Wasiirada Somalia?
- Mar 22, 2017
Buuhoodle{khaatumonews}shacabweynaha gobolka cayn gaar ahaan magaalada buuhoodle ayaa ka hadlay golaha wasiitada cusub ee ...
Deg Deg Daawo Video::Xubnaha khaatumo Wadahadalka Uga Qeyb Galaya Akhriso Magacyadda?
- Mar 22, 2017
Buuhoodle{khaatumonews}wasiirka warfaafinta dawlada khaatumo axmed xaaji  ali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ...
AKHRISO+MAGACYO: Maxaad Ka og tahay Shaqsiyaad Xilalkooda waayaya,una waayay Magacaabidii shalay ee Golaha Xukuumada F Somalia?
- Mar 22, 2017

Deg Deg:Ogaysiis Ogaysiis Guud Ahaan Reer Khaatumo
- Mar 22, 2017
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan bulsha weynta reer Khaatumo in uu jiro maalinta sabtida ee ...