dahabshiil

Jawaari Oon Xiiso Loo Hayn oo Soo laabtay iyo Xidig Oo Daaroodku Dhulka La jaray

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamanka cusub ee Soomaaliya kadib doorasho maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

 

Jawaari ayaa waxa uu ka adkaaday saddex musharax oo kale oo xilkan kula loolamayey kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig, xildhibaan Cabdiftaaax Ibraahim Geeseey iyo xildhibaan Idirs Cabdi Dhakhtar.

 

Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in 259 xildhibaan ay codeysay, islamarkaana laba ka mid ah codadkaasi ay xumaadeen.

 

257-ka cod ee kale ayaa Jawaari waxa uu helay 141 cod, halka xildhibaan Xiddig oo kaalinta labaad galay uu helay 97 cod. Xildhibaan Cabdifataax Geeseey ayaa helay 17 cod, Idiris Cabdi Dhakhtar waxa uu helay laba cod kaliya, sida uu sheegay boqore.

 

Jawaari ayaa ahaa guddoomiyaha baarlamanka hore ee Soomaaliya ee intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016.

 

Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale beri qaban doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad, oo musharaxiin aad u tiro badan ay ku loolamayaan.

Daawo::Amin Arts iyo Lixda Tiir Ee Xasan Sheikh Maxaa Kala Haysta
- Jan 19, 2017

Deg Deg Daawo Video:Mudaharaad Ka Istaadhmay Hargeisa iyo Calankii Somalia La Sudhay?
- Jan 19, 2017
Waxaa magalada hargeisa ka dhacay mudaharaad xoog leh oo ay soo qaban qaabiyen shacabka ...
Daawo Video:yaab Leh Oo LONDON Lagu Soo Bandhigay Muuqaal Laga Sameeyay Shumac Adag Oo Si Weyn Loogu Ekeysiiyay Donald Trump,
- Jan 19, 2017
Magaalada London Waxaa Lagu soo Bandhigay Muuqaal Laga Sameeyay Shumac Adag Oo Si Weyn ...
Burundi oo lagu qancinaayo in ciidamadeeda ay sii joogaan Somaliya
- Jan 19, 2017
Madaxa Amniga iyo Nabad gelyada Midowga Afrika Smail Chergu ayaa booqasho labo maalmood ah ...
Warbixin Maamulka Khaatumo Ay ka Qortay Hay’adda Cilmi Baadhista ee CDRC.
- Jan 19, 2017
Warbixintan ay diyaarisay Hay'ada Cilmi Baadhista ee CDRC ee fadhigeedu yahay Adis Ababa, Itoobiya. ...