dahabshiil
Loading...

Ra’iisul Wasaare David Cameron Oo Ka Hadlay Guusha Xisbigiisa ka Soo Hooyay Doorashada UK

Xisbiga Conservative ayaa ku guuleystay aqlabiyada doorashada guud ee ka dhacday dalka UK, taasoo ka dhigtay in Xisbigu uu helo kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka UK, iyadoo tani meesha ka saartay shakigii laga qabay in Ra’iisul Wasaare Cameron aanu dib u soo laaban doonin.

Ra’iisul Wasaare David Cameron oo hadlayay kadib guushii Xisbigiisa ka gaaray doorashada ayaa sheegay inuu hogaamin doono hal dal oo Britain ah, kadib guul layaab ah oo uu xisbigiisa ka soo hoyay doorashadii UK.

Mr Cameron ayaa markii la ogaaday natiijada horu dhaca ee doorashada UK ayaa isaga iyo xaaskiisa ay dib ugu laabteen Xafiiska NO 10, halkaasoo wariyeyaasha uu kula hadlay

David Cameron ayaa u sheegay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa Muxaafidka in guushan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee muddo dheer soo marta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Labour ayaa lumiyay kuraas badan gaar ahaan Scotland oo ay wada qaateen xisbiga SNP.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha UK, David Miliband ayaa is casilay kaddib markii xisbigiisu ku guuleysan waayay doorashada UK.

Waxaa kale oo is casilay hoggaamiyeyaasha xisbiyada Liberal Democrats, Nick Clegg iyo UKIP Nigel Farage.

Waa doorashadii ugu adkeyd, isla markaana taariikhda gelisay is bedelo lama filaan ah, waxaana dad badan ay qiyaasayaan in guusha Mr Cameron ay tahay mid kalsooni badan gelin karta sidii dowladd cusub u soo dhisi lahaa.

david-cameron

Loading...

Daawo Full Video:Shacabka Gobolka Cayn Oo Wacdaro Ka Dhigtay Soodhaweynta Garaad Cabdirashiid Ilaa Ceegaag Sooljogto Horufadhi iyo Buuhoodle.
- Jan 18, 2018

War Deg Deg Ah:Maxkamada Buuhoodle Oo Xukun Ku Riday 6 Dhalinyaro Ah.
- Jan 18, 2018
Magaalada Buuuhoodle maxkamadda derejadda koowaad ee gobolka Cayn ayaa oo todobaadkan u fadhidey dacwad ...
War Deg Deg Ah::Taliyihii Hore Ciidanka Somaliland Jidhif Oo xabad Isku Dhuftay.
- Jan 18, 2018
Taliyihii Hore Maleeshiyaadka Maamulka somaliland Maxamed Xassan Cabdilaahi Jidhif Ayaa goordhaweyd xabnadi Ku Dhacday. Xabada ...
War Deg Deg Ah::Maraykanka oo qarka u saaran qalalaase
- Jan 18, 2018
Dowladda Maraykanka ayaa qarka u saaran in uu qabsado qalalaase weyn oo xagga miisaaniyadda ...
War Deg Deg Ah Daawo Video:Cali khaliif Oo Laascaanood Gaadhay iyo Shacabka Oo Albaabada Ka xidhay Iyo Maleeshiyadka Isaaq U Galbiyay Hotel Hamdi!
- Jan 18, 2018
Waxaa Magaalada laascaanood Soo Gaadhay Maanta Cali khaliif galaydh Oo ka soo kicitimay Magaalada ...