dahabshiil
Loading...

Ururka isku xirka dhalinyarada (CYL) oo kulan wadatashi ah ugu qabtay Cadaado odayaal iyo dhalinyaro

Ururka isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Central Youth Link (CYL), ayaa maanta kulan wadatashi ah ugu qabtay degmada Cadaado ee xarunta shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhaqanka qeybihiisa kala duwan, gaar ahaana odayaasha dhaqanka, nabadoonada, cuqaasha, iyo dhalinyaro ka kooban rag iyo dumar, waxaana kulankan o dadaka soo xaadira ay ahaayeen 110 qof, diirada lagu saaray sidii ay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada dhexe isaga wareysan lahaayeen halka uu marayo dhisidda maamul sameynta, iyo sidii ay talo iyo tusaaleba  u siin lahaayeen dhinacyada ku howlan dhismaha maamulka.

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee Jaamacadda Iftin ee degmada Cadaado ayaa waxaa ka hadlay odayaal kala duwan kuwaasoo ka warbixiyay inta ay kala socdaan dhismaha maamul sameynta, waxayna xuseen in heer wanaagsan uu marayo yagleelida maamulka, iyaga oo rajo ka muujiyay inay soo baxdo natiijo wanaagsan.

Agaasimaha guud ee ururka isku xirka dhalinyarada (CYL), Mudane Cabdulqaadir Axmad Warsame oo madasha ka hadlay ayaa odayaasha iyo dhalinyarada ku baraarujiyay muhiimada talada dhaqanka iyo dhalinyarada, wuxuuna xusay in labadaasi qeybood ay udub dhexaad u yihiin bulsho kasta, sidaasi owgeedna ay uruurinayaan ra’yigooda, ayna u gudbin doonaan dhinacyada ku howlan maamul dhisida, si natiijada soo baxda ay u noqoto mid la wada leeyahay, lana ilaashado.

Xasan Qaasim Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa ku taliyay in ergooyinka shirka ay ansixiyaan oo kaliya Dastuurka maamulka gobolada dhexe, kadibna odayaashu ay soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka, si ay u doortaan madaxweynaha, si loo helo maamul rasmi ah oo aan kumeel gaar aheyn.

Sidoo kale, kulankan ayaa waxaa looga tashaday sidii loo sixi lahaa wadada toosanna loo marin lahaa habka dhismaha maamulka, gaar ahaana xulista, odayaasha dhaqanka, ergooyinka, iyo xildhibaanada  uu yeelan doono Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Galgaduud iyo Mudug.

Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa u suurtagashay ururka isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed CYL, inay isku duwaan isla markaana uruuriyaan talooyin badan kuwaasoo ay la wadaagi doonaan qeybaha ay khuseyso maamul dhisida gobolada dhexe.

Hordhaca Talo-soo-jeedinta

Ø  In Ergada loo xil saaro ansixinta dastuurka oo kaliya, baarlamaankana ay odayaasha dhaqanku soo xulaan, kaddibna ay doortaan madaxweyne, si looga baaqsado samaynta Maamul KMG.

Ø  In la xareeyo odayaasha iyo ergada hartay, lana qanciyo beelaha aan wali soo xarayn odayaashooda iyo ergadooda.

Ø  In dhallinyaradu kaalin mugleh ku yeeshaan geeddi-socodka dhisidda maamulka gobollada dhexe, isla mar ahaantana ay qayb muuqata ku yeeshaan hoggaanka hay’adaha maamulkaas la dhisi doono.

Ø  In laga dhawro hab-socodka shirka faragalin kasta oo aan munaasab ahayn dhankay doontaba haka timaaddee

Ø  In cid kasta guddiga farsamadu uu noqdo mid bulshada ay heli karto, goorta ay rabaan si talo iyo tusaaleba loogu biiriyo, loogana saxo khalad kasta oo bulshadu dareento…

IMG_1149 IMG_1168 IMG_1189 IMG_1203 IMG_1224

Loading...

DAAWO;-Wasiirka Warfaafinta Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa Jab Iyo Halaag Ayay Kala kulmayaan.
- Jan 16, 2018
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab Ayaa Sheegay Inay Soomaliland tahay Shabaab Ayna Ul;a ...
DAAWO:-Ila Qosol Kalamaan Oo Lagu Bahdilay Salaadiinta Somaliland Iyo Muuse Biixi 161 2018
- Jan 16, 2018

DAAWO;-Saleebaan Koore oo Hargeisa kasoo Hanjabay “Laascaanod Iyo Garoowe Mid Uun Baa Laga Qaxi .”
- Jan 16, 2018
Saleeban Cali Koore Wasiirka biyaha EE Somaliland oo Maanta xafiiskiisa kula Hadley qeybo ka ...
Daawo: Muuse Biixi Cabdi oo u dhoofay Dalka Itoobiya iyo Warar kasoo baxaya
- Jan 16, 2018
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka dhoofay magaalada Hargeisa, Wuxuuna Safarkiisa ku ...
Shabaab oo Baasuuke la helay Guriga Guddoomiye caan & si dirqi ah uu kaga baxsaday
- Jan 16, 2018
Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo ...